4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2023
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo sheegay in xukuumadu xidhay dhamaan wadooyinkii nabada Laascaanood
 

Axad, February, 26, 2023 (HOL) -  Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeyay in uu hor istaagay dhamaan talaabooyinkii nabad looga dhalin lahaa magaalada Laascaanood.

"Waxan rabaa in aan halkan ka caddeeyo talaabo kasta oo nabadeed oo aanu qaadnay  in ay ka socon wayday dhinaca madaxweynaha" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu sheegay in nidaamka xukuumadu u maamushay colaada magaalada Laascaanood aanu ku qanacsanayn, isaga oo sheegay in sheegashada xukuumada ee ah in ay argagixiso la dagaalamaysa ay xaalada faraha ka saartay, waxaanu ku tilmaamay in ay ahayd talaabo meel ka dhac ah.

Waxa uu sheegay in magaalada ay ciidanku duqaymo u gaysteen "Arrinta waxa soo raacday in magaalada lagu waday duqayn aan loo aabo yeelin, oo la duqeeyay goobihii adeega oo ay mid yihiin isbitaaladii ... runtiina aad ayaan uga xumahay, la duqeeyay meelkasta oo dadkan adeeg guud loogu qabanayay".

Waxa uu ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay danbiyo dagaal ka gaysdeen gobolka, wuxuuna sheegay in magaalada lagu duqeeyay amar ka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ugu danbayntii, waxa uu sheegay in uu baarlamaanka ku matalo dadka gobolka Sool, isla markaana uu la qabo dhib iyo dheef waxay qabaan, wuxuuna madaxweynaha usoo jeediyay in uu aqbalo war-murtiyeedkii kasoo baxay garaadada.

Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa la sheegaya in ay xalay ka guureen, oo ay dageen xeryo magaalada ka fog, aqoonyahanka Somaliland ayaa xalay madaxweynaha ugu baaqay in uu ciidanka ka saaro magaalada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]