4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Wafti ka socda dowlada Maraykanka oo Hargaysa soo gaadhay

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Wafdi ka socda Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Sii hayaha Xilka Safiirka Tim Trenkle, ayaa soo gaadhey magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud ayaa waftiga ku qaabilay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargaysa, waftiga ayaa la filaya in ay la kulmaan madaxweynaha Somaliland.

Waxyaabaaha ugu muhiimsan la rajaynayo in waftiga iyo xukuumada Somaliland ka wadahadaal ayaa ah xaalada Laascaanood oo wali cakiran isla markaana ay dagaalo ka socdaan muddo 2 todobbaad ka badan.

Dowlada Maraykanka ayaa dhowr jeer ku cel celisay in colaada si dhakhso ah loo joojiyo taasi oo aan wali suuragalin, sidookale Somaliland ayaa dhankeeda ku dhawaaqday xabad joojin taasi oo aan hirgalin sababo jira awgood.

Waxyaabaha kale ee la filayo in Maraykanka iyo Somaliland ka wadahadaal ayaa waxa kamid ah khalaafka ka tagaan qabsoomida doorashada madaxtooyada oo aan wali heshiis laga gaadhin.

Waxa kale, oo la saadaalinaya in waftigu uu la kulmo xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo daneeyayaasha kale ee arrimaha siyaasada Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]