4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2023
Hay'adda ICRC oo sheegtay inay 150 qof ku dhinteen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood

Khamiis, February, 23, 2023 (HOL) - Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa sheegtay in iskahorimaadka dhex maray ciidamada ammaanka Somaliland iyo kuwa SSC ay ku dhinteen 150 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo kale tan iyo 6-dii Feberaayo.

Jurg Eglin, oo ah madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan caqabad lahayn loo gaarsiiyo gargaar bini'aadantinimo dhibanayaasha.

"Dadka ku nool Laascaanood waxay si deg-deg ah ugu baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo, waxaana ku dadaalaynaa sida ugu dhaqsaha badan inaan u gaarsiinno," ayuu Eglin ku yiri, isagoo xusay in khilaafka siyaasadeed uusan marnaba hor-istaagi doonin badbaadinta nolosha.

Hay’adda samafalka ayaa sheegtay in kumannaan ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay iska horimaadyada ay la kulmeen xaalado adag kaddib markii ay ka carareen guryahoodii.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in in ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ay u qaxeen gobolka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib iskahorimaadyada.

Eglin wuxuu sheegay in ICRC oo ay weheliso Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ay taageero siinaysay isbitaallada maxalliga ah si loo daadgureeyo loona daweeyo dhaawacyada.