4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba askari
 

Isniin, February, 20, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba askari oo ka tirsana ciidanka dowladda oo lagu kala magacaabo Cali Cumar Axmed iyo Muuse Cali Nuur, kuwaas oo horay dil qorsheysan ugu geystay marxuum lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdi Axmed.

Labada askari ee Maanta xukunka lagu riday ayaa 19-kii bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay ku dilay marxuumka beertiisa oo ku taala deegaanka Nambar konton ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in labadan nin markii ay dileen marxuum Yuusuf Cabdi Axmed ay ka qaateen lacag gaareysay $17,300 oo doolar.

Maxkamada waxaa sido kale la horkeenay marqaatiyaal uu ka mid ahaa Darwalkii Mootada ku geeyay labadan askari beerta lagu dilay marxuumka iyo rag kale oo marxuumka shaqaale u ahaa ayna qaraaba hoose ahayeen, kuwaas oo Maxkamada ka hor sheegay 15-kii bishan Febraayo in dilka ay wada gaysteen labadan askari.

Kiiska labadaan askari ee xukunka toogashada ah lagu riday ayaa soo maray heerar kala duwan, waxayna soo idlaaday maxkamadeyntooda 15-kii bishan Febraayo Maanta ayaana lagu xukumay Cali Cumar Axmed iyo Muuse Cali Nuur dil toogasho ah oo ah qasaasta marxuum Yuusuf Cabdi Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada calabka sida ee dowladda Soomaaliya.