4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2023
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo bandow kusoo rogay magaalada Xarardheere oo dhawaan laga saaray Alshabaab
 

Isniin, February, 20, 2023 (HOL) - Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa bandow kusoo rogay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Kadib kulan ay yeesheen saraakiisha amniga ayaa lagu dhawaaqay in habeenkii laga bilaabo lixda maqribnimo illaa waaberiga la joojiyay dhammaan isku socodka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada.

Ciidamada ku sugan gudaha magaalada ayaa lagu amray inay ka baxaan oo ay ku laabtaan taliskooda marka laga reebo kuwa amniga sugaya.

Saraakiisha amniga ayaa ku amray dadka kusoo laabanaya magaalada Xarardheere ee horey Shabaab u raacay inay tagaan saldhigga booliiska si baaritaan amni loo marsiiyo.

Tallaabooyinkan ayaa la sheegay in looga golleeyahay in la adkeeyo amniga magaalada Xarardheere oo dhawaan laga saaray Alshabaab.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in Alshabaab ay iskudayayaan inay Xarardheere ka geystaan falal amni darro ama isku dayaan inay weerar kusoo qaadaab si lamid ah deegaanadii hore.