4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2023
Askar ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray Eretariya oo goordhaw wiil arday ah ku dilay Muqdisho
 

Axad, February, 19, 2023 (HOL) - Laba askari oo la sheegay iney ka mid yihiin ciidankii lagu soo tababaray dalka Eretariya ayaa Maanta Wiil ardey ah ku dilay Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Dilka wiilka ardayga ah ayaa yimid kadib markii labada askari oo saarna Mooto Bajaaj ay fureen rasaas la tilmaamay iney doonayeen askarta iney wadada ku furtaan, waxaana rasaastaasi ay haleeshay wiilka ardayga ah oo la sheegay inuu markaasi kasoo baxay Jaamacad.

"Askartaan dhibaato weyn ayay nagu hayaan ma ahan kuwa dulqaad yar leh oo waxay rabaan meel walba iney sidii diyaaradii ku maraan jaam yar hadey kuso aadaan rasaas ayay dadka ku furayaan, waxaasna mahan wax loo dulqaadan karo ee dowladda sidaan wax haka badasho" ayuu yiri qof ka mid ah dadka goob jooga u ahaa dhacdada maanta lagu dilay wiilka ardayga ahaa.

Dilka wiilka ardayga ahaa kadib dadka ku ganacsada hareeraha wadada Isgoyska Baar Ubax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in askarta dowladda ay ku qabaan dhibaatooyin joogta ah oo ay ka mid yihiin rasaasta aysan u meel dayan iyo dhac.

"Maalin walba sidaan dhac ayay nagu hayaan Qaadka ayay naga boobaan oo waan ka ganacsan la'nahay marka dowladda askartaan talaabo haka qaado, waan ku dhibtoonay dilalka iyo boobka ay nagu hayaan" ayay tiri haweeney ka mid ah dadka Qaadka ku iibiya Isgoysga Baar Ubax.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa iyadoo shalay duhurkii ay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, islamarkaana rasaastaasi ay ku dhaawacantay haweeney qaad ku iibineysay Isgoysga Siinaay.