4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2023
Dowladda Soomaaliya oo 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay sarkaal ciidan oo Shabaab xogta u gudbin jiray
 

Axad, February, 19, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 15 sano xabsi ah ku riday Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla Siyaad ee militariga, kaas oo lagu helay inuu la shaqaynayay Alshabaab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xidigle Cabdi Casiis Xuseen Nuur Mursal ayaa lagu helay inuu xogta iyo macluumaadka ciidanka u gudbin jiray kooxda Alshabaab.

Hay'adaha amnigu waxaa sheegeen inuu sheeganayay darajada Gaashaanle Sare oo been ah. Dowladdii hore xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa la ogaaday inuu leeyahay hal xidig.

Waxaa la sheegay caradii uu ka qaaday inuu wada shaqayn la yeeshay kooxda Alshabaab.

Hay’adaha amniga iyo xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Xidigle Cabdi Casiis Xuseen Nuur Mursal yahay uu sarkaal xogaha saraakiisha ciidanka la wadaaga Alshabaab.

Waa 63 jir, maanta ayay maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15 sano oo xabsi Ciidan ah, kaddib markii ay ku caddaatay dambiyada lagu eedeeyay.

Waa sarkaalkii labaad oo Dowladda katirsan oo lagu helo inuu Shabaab u shaqeynayay.

Dhawaan ayay ahayd markii maxmadda ciidamada ay soo bandhigtay sarkaal kale oo Shabaab u fududayn jiray inay hubkooda iyo dagaalamayaashooda gaaraan goobaha bartilmaameedka u ah.