4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2023
Beelwaynta Garxajis oo go'aamo kasoo saartay xaalada Laascaanood

Axad, February, 19, 2023 (HOL) -  Beel waynta Garxajis ayaa sheegtay in anay kamid ahayn salaadiinta ay xukuumadu u dirayso Laascaanood, waxayna xukuumada ku eedaysay in ay dhibaatooyin ka gaysatay Laascaanood.

Kadib shir muddo dhowr cisho ah u socday madaxda beesha ayaa laga soo saaray go'aamo dhowra oo ay ugu horayso in beeshu anay qayb ka ahayn go'aanka xukuumadu salaadiinta ugu dirayso Laascaanood.

Beeshu waxa ay sheegtay in anay aamini karin madaxweyne Biixi sida darteedna, anay isku halayn karin in uu aqbali doono wixii kasoo baxa hadii shir dib u heshiineed ay la galaan garaadada Laascaanood ku sugan.

Hoos ka akhriso qodobadan iyo kuwo kale:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]