4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 10, 2023
Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay xabad joojinta xukuumadu ku dhawaaqday

Jimco, February, 10, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo soo dhaweeyay xabad joojinta halka dhinac ah ee xukuumada Somaliland ku dhawaaqday.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu soo dhawaynayo xabadjoojinta shuruud la'aanta ah, waxaanu ku baaqay in dhinacyadu ay wadahadal iskugu yimaadaan.

“Xisbiga Waddani wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday. Mar labaad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay labada dhinac miiska isugu yimaaddaan" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan, wadahadal iyo dadaalkasta oo la doonayo in si nabada loogu dhameeyo xiisada ka taagan magaalada Laascaanood.

Xukuumada Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, iyada oo sheegtay in ay joojinayso xabada kadib dhowr cisho oo dagaalo ka socdeen Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]