4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 10, 2023
Booliiska Banaadir oo gacanta ku dhigay Haweneey Afduubatay Muwaadin Xanuunsana iyo Askari xeebta Liido ku dilay qof shacab ah

Jimco, February, 10, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay haweeney lagu magacaabo Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo la sheegay iney hogaamineysay koox afduubtay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa.

Ciidanka Booliiska degmada Wadajir ayaa la sheegay iney soo qabteen haweeneydaan hoggaamineysay kooxda afduubatay Muwaadinka xanuunsanaa oo magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Cameey, kaasoo laga soo afduubay degmada Wadajir laguna haayay guri ku yaala degmada Howlaadaag.

"Haweenaydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweenaydaan, waxaana la hor geenayaa Sharciga" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Dhinaca kale ciidanka Booliiska Saldhigga degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa galabta gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu Maanta xeebta Liido ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tagay maalinta Jimcaha ah xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

"Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si loogu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay ehelkiisi" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale saakay soo bandhigay sadax rag ah oo la sheegay iney kaarar been abuur ah ku dhacayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool duuleedka magaalada Muqdisho.