4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 10, 2023
Somaliland oo ka jawaabtay eedaymaha sheegaya in ay duqaymo ka gaysatay Laascaanood
 

Jimco, February, 10, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa iska fogaysay eedaha beesha caalamka ee la xidhiidha in ciidamada Somaliland ay duqaymo ka gaysteen Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in warar been abuura ay kooxo abaabulani  ka faafinayaan xasarada Laascaanood.

"Xukuumada Somaliland waxay iska fogaynaysa sheegashooyinka iyo eedaha beenta ah ee la xidhiidha xaalada hada ee Laascaanood, xaalada Laascaanood aad ayaa loo siyaasadeeyay, waxaana si qaldan uga faa'iidaystay kooxo abaabulan oo gobolka ah".

Qoraalka waxa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay aad uga niyad jabtay sida ururada caalamiga ahi uga jawaabeen xaalada Laascaanood iyaga oo rumaystay beeno aan la xaqiijin run-nimadooda, xili xuumadu qaaday waxkasta oo nabad lagu heli karo, sida qoraalka loo dhigay.

Waxa kale oo qoraalka lagu yidhi "Xukuumada Somaliland waxay sii wada in ay baahiyaha asaasiga ah sida cuntada, biyaha iyo qalabka caafimaadka ay gaadhsiiso dadka reer Laascaanood oo ay hada haystaan maleeshiyaad argagixiso ah oo xidhiidh la leh Alshabaab iyo Puntland".

Waxa ay xukuumadu been ku tilmaantay wararka sheegaya in ciidamadu  hor istaageen gargaarka la gaadhsiinayo dadka colaadu samaysay, waxayna sheegtay intaasi ka hor imanayso xeerarka iyo sharafta Somaliland.

Waxa kale oo lagu xusay in xukuumadu ay ururada caalamka kula talinayso in ay ka fogaadaan aaminista wararka aan runta ahayn, ee aan caddaynta loo hayn, kuwaasi oo xaalada Laascaanood uga sii daraya, sida qoraalka loo dhigay.

Dowlada Maraynka ayaa shalay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka ku sheegtay in duqaymo aan loo meel dayin lala beegsaday shacabka Laascaanood.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]