4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 10, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Doonyaale
 

Jimco, February, 10, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanka Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay iney dagaal culus kula wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeya magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana la tilmaamay in dagaalka ka dhacay Doonyaale inuu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay dagaalka khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay si awood ah kaga sareen gudaha deegaanka Doonyaale.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaankaasi ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay halkaasi ka wadaan howlgalo miino baaris ah.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug waxaa bilahii lasoo dhaafay ka socday dagaalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay halkaasi ka wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka, waxaana dagaaladaasi Al-shabaab looga saaray deegaano badan iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug.