7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2023
Dhaqtar caan ah oo aano qabiil loogu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo
 

Sabti, September, 9, 2023 (HOL) - Nin ku labisnaa dareeska ciidanka amniga ayaa caawa fiidkii magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha u naxariistee mid kamid ah dhaqaatiirta ka howlgasha gobolka Mudug.

Dr Sakariye Cabdi Jaamac, oo ahaa dhaqtar dhallinyaro oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda, ayaa caawa lagu dilay isagoo ku sugnaa xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.

Muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta lagu dilay, ayaa lagu arkayay, askari hubaysan oo gudaha u galay xarunta, kaddibna xabbad la dhacay dhaqtarka.

Gacan ku dhiig laha waxaa la socday labo nin oo la aamisan yahay inay qeyb ka ahaayeen abaabulka dilka dhaqatarka, kuwaas oo kaamerada laga dhex arkayay, iyagoo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka.

Gacan ku dhiig laha ayaa isaga baxsaday goobta, markii uu falka geystay. Mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee gobolka.

Dilka dhaqtarka ayaa la ogaaday inuu salka ku hayo aano qabiil, taasoo waayahaan ka taagan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Dilalka ku salaysan aanooyinka ayaa sanadkan 2023 tusbax furtay ka noqday waqooyiga Gaalkacyo. Maamulka Puntland ayaa ku guul daraystay inuu xakameeyo falalka nuucaan ah.

Dilka caawa wuxuu kusoo aaday, iyadoo maalmo ka hor ay odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ku heshiiyeen in qofkii qof dila lagu fulindoono qisaas, si wax looga qabto dilalka aanooyinka.