7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2023
Somaliland oo sheegtay in dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay Laascaanood yimaadeen
 

Sabti, September, 9, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan kooxda Al shabaaab oo hoggaaminaya 600 oo dagaalyahan uu yimid magaalada Laascaanood.

Qoraal ay baahisay Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, ayaa lagu sheegay in dagaalyahano xagjir ahi ay soogaadheen magaalada Laascaanood.

"Ciidamada Amaanka ee Xukuumada Somaliland waxay xaqiijiyeen in ku dhawaad 600 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo Fu'aad Maxamed Qalaf (Shanqoole) oo ah mid kamid ah hoggaamiyaasha Al Shabaab ay Laascaanood soo galeen" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay in Shanqoole uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in bilihii lasoo dhaafay  ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.

Waxay sheegtay in dhaqdhaqaaqyadani ay xagaldaacinayaan dadaalo ay sheegtay in ciidamada Somaliland ka sameeyeen ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta, sidookale waxay sheegtay in ay kor u kacday nabadgalyo darada iyo fidinta fikradaha xagjirnimadu taasi oo khatar ku ah amaanka Somaliland iyo gobolka.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin adag oo ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, waxayna beesha caalamka ka codsatay caawimo.

Somaliland ayaa tan iyo markii uu dagaalka Laascaanood bilowday sheeganaysay in kooxo xagjir ahi ay qaybkayihiin dagaalka, taasi oo garaadada iyo siyaasiyiinta deegaanku marar badan beeniyeen.