7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2023
Siyaasiyiinta Xawaadle oo Maxaas heshiis ku gaaray soona bandhigay Gaadiid dagaal iyo ciidankii ugu badnaa
 

Sabti, September, 9, 2023 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay gaadiid dagaal iyo ciidamadii ugu badnaa oo loo diyaariyay dagaalka lagu soo afjarayo meelaha ay kaga sugan yihiin kooxda Al-shabaab gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigay gaadiidka dagaal iyo ciidamada ayaa waxaa ku wada sugnaa masuuliyiin kala duwan oo siyaasada ku kala fogaa mudooyinkii dambe oo ay ka mid ahayeen madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar Dabageed iyo madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan, Saraakil ciidan iyo Xildhibaano isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Sambaloolshe, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay ciidamada ayaa waxay shaaca ka qaadeen in la dhameeyay dhamaan waxii mad madoow ahaa ee jiray, islamarkaana haatan la isla qaatay in dagaalka si wadajir ah loo galo.

Masuuliyiintii kala duwaneyd ee goobta ka hadashay waxay xuseen dhamaantood iney ka mideysan yihiin in dagaalka loo midoobo oo hoggaamintiisa looga dambeyn doono Cali Jeyte Cismaan.

Talaabadaan ay siyaasiyiinta reer Hiiraan isku raaceen ee ah in dagaalka Al-shabaab loo midoobo ayaa ah mid daba socota, heshiiskii Maxaas dhawaan ay xubnahaan kula qaateen Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ee ahaa in wixii tabasho ah oo ay qabto beesha Xawaadle dib loo dhigo, islamarkaana marka hore Beesha ay gasho dagaalkii ay kula jirtay kooxda Shabaab.