7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyaysay musiibada ka dhalatay dhul gariirka ku dhuftay dalka Morroco
 

Sabti, September, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka tacsiyeysay musiibada ka dhalatay dhul gariirka ku dhuftay dalka Morroco, kaas oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.2 Richter.

Fiidnimadii xalay gobollada iyo maamullada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal iyo Chichaoua, iyo Taroudant ee Morroco, ayuu ku dhuftay dhul gariiskaan oo ay ku dhinteen in ka badan 800 oo qof, iyadoo ay ku  dhaawacmeen tiro intaas ka yar. Sidoo kale dad ayaa weli lagu la’yahay dhismayaasha burburay hoostooda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Morocco.” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhul-gariirkan waa midkii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca in ka badan lixdan sano. Inta badan waddamada adduunka ayaa farriimo kala duwan oo baroor diiq ah u diray dowladda Morroco.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.2 ayaa ku dhuftay buuraha Atlas ee dalka Marooko xilli dambe oo habeennimadii Jimcaha ah. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in dhimashada 820 qof ay tahay tiradii ugu dambeysay ee la diiwaan galiyay. waxay sheegtay inay 672 ku dhaawacmeen.

Sarkaal dowladda katirsan ayaa sheegay in dhimashada ugu badan ay ka dhacday  buuraleyda ay adagtahay in la gaaro.