7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2023
Mareykanka oo 10 milyan oo dollar dul dhigay hoggamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

Sabti, September, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay lacag gaareysa 10 milyan oo dollar oo lagu abaal marin doono cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha Alshabaab, Axmed Diiriye Cali oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Cubeyda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-shabaab, xilkaas oo uu qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

“Inta uu hogaaminaayo, argagixisadu AS waxa ay weeraro ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Jabuuti kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Ka hor inta aan la bedelin Godane, ayuu Mareykanku sheegay in Abuu Cubeyda uu kasoo shaqeeyay dhowr jagooyin Al-shabaab ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya 2008-dii, iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool, 2009kii.

Sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane, wuxuuna ka soo shaqeeyay waaxda Arrimaha gudaha ee al-Shabaab.

Abriil 21, 2015, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Abu Cubayda u magacawday agagixiye caalami ah. waxayna markaas madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 6 million oo dollarka Maraykanka.