7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2023
Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Jimco, September, 8, 2023 (HOL) - Xasan Cilmi Siyaad oo ahaa horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha kooxda ay ugu yeerto Sakawaadka ee deegaanka Dhoqor ee gobolka Hiiraan ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baledweyne.

Horjooge Xasan Cilmi Siyaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda ka tirsan mudo afar sano ah, islamarkaana uu haatan isaga soo baxay kooxda sababo la xariira dhibaatada ay ku hayaan dadka Shacabka ah.

"Aniga Al-shabaab deegaanka Dhoqor ayaan u qaabilsana waligey dagaal ma galin qofna ma dhibin, kaliya kooxda ayaan u qaabilsana in dadka deegaanka ee beeraleyda ah u dhaxeeyo, wixii iga tan batana ayaga ayaan u gudbin jiray" ayuu yiri Xasan Cilmi Siyaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in halkii sano ee la soo dhaafay inuu iskala joogay kooxda oo uusan ku qanacsaneyn la joogistooda.

"Al-shabaab qolofkeyga lee la joogay ee qalbigeyga lama joogin sanadkii u dambey, markii ay dhibateyeen dadkeyga, waxaa aniga iyo tiro kale kala hadalnay Shabaab in dadkeena ay dileen ay nagu qanciyaan sababta ay u dileen, intaas waxan sugaayay masuul wal oo inagu qanciya wixii kooxda Hiiraan ka geysatay markaan waayay cid igu qancisana, waan isaga soo tagay oo dadkeyga ayaan isku soo dhiibay" ayuu yiri Xasan Cilmi Siyaad.

Gabagadii horjoogahaan ayaa sidoo kale sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyay, wuxuuna ugu baaqay xubnaha kale ee isaga la midka ah iney isku soo dhiibaan dowladda.

Isa soo dhiibista horjoogahaan ayaa sidoo kale imaaneysa, iyadoo saacado ka hor dowladda Soomaaliya ay shaacisay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay isa soo dhiibeen 107 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsana kooxda Shabaab.