7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2023
Cali Jeyte oo faahfaahin ka bixiyay heshiiskii Maxaas ay ku wada gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh
 

Jimco, September, 8, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii degmada Maxaas ay ku wada gaareen Beesha Xawaadle iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Fedaraalka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha Xawaadle ay ka wada hadleen laba arimood kaliya oo kala ahaa in lagalo dagaalka Al-shabaab iyo in dib loo dhigo wixii tabasho ah.

"Madaxweynaha wuxuu naga dalbaday inaan wixii tabasho ah an dib u dhigano oo marka hore cadawga dalka aan ka wada xureyno waana isla qaaday taas, sababto ah dal nabdoon iyo meel nabad ah ayaa wax walba lagi xalin kara marka wixii tabasho ahaa lagama tanaasulin ee xaaladaha jira dartood ayaa dib loogu dhigay" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Hoggaamiyaha maamulka Hiiraan State ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay Cali Jeyte in Shabaab laga guuleysan karo, isagoo tusaale usoo qaatay dagaalkii 1977-dii ay dowladda Soomaaliya la gashay dalka Itoobiya.

"Al sheydhaan waa laga guuleysan kara oo waxad ogtihiin Soomaaliya oo inta ay maanta tahay ciidan ahaan iyo dad ahaan ka yar ayaa Itoobiya kaga guuleysatay dagaalkii 1977-dii aan la galnay, marka hada oo dad ahaan iyo ciidan ahaan ka badanahay maxa diidaya inaan cadawgan diinta ka beensheegaya iska dul qaadno, dagaalkan waa mid Soomaali oo dhan looga baahan yahay ee mahan mid dad gaar av looga baahan yahay"ayuu yiri Cali Jeyte.

Ugu dambeyn Cali Jeyte ayaa shacabka reer Hiiraan ugu baaqay in markale ay qaataan kaalintooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ku amaaneen guud ahaan dadka Soomaaliyeed, maadama ay reer Hiiraan hormuud u ahayeen dagaalka hada ka socda guuda ahaan dalka ee lagu ciribtiraayo kooxda Shabaab.