7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2023
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo go'aan ka gaaray dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya
 

Jimco, September, 8, 2023 (HOL) - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeeshay qaraarka miiska u saaran ee Dhuxusha Soomaaliya oo ay horay Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabateyno kala duwan.

Golaha Ammaanka Qaramada Modoobay ayaa qaraar cusub kasoo saaray Dhuxusha Soomaaliya, kadib markii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay 14-kii bishaan codsi u dirtay Golaha.

Fadhiga Golaha waxaa hoosta looga xariiqay in gudaha Soomaaliya ay wali ka jirto halis amni oo saldhig u ah dhoofinta Dhuxusha, islamarkaana loo bahan yahay in dowladda Fedaraalka ay baabi'iso keydka Dhuxusha, sida lagu sheegay qaraarka cusub.

Qaraarkaan cusub oo uu tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay ku taageereen in dowladda Soomaaliya ay qaado talaabo dhameystiran oo ay meesha uga sarayso Dhuxusha Kaydsan.

Talaabadaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay go'aanka kaga gaartay Dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Dhuxul badan laga dhoofiyo gudaha Soomaaliya, islamarkaana loo arkay dhoofinta Dhuxusha iney qayb ka tahay dhibaatooyinka bani aadamnimo ee ka jira Soomaaliya, taas badal keedana ay dad badan ka sameynayaan dhaqaale aad u badan dhoofinta Dhuxusha.