7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 8 , 2023
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis Ganacsi ku kala saxiixday magaalada Muqdisho
 

Jimco, September, 8, 2023 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay taariiqda heshiis kala saxiixday dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiiskaan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah heshiisyo iskaashi oo xoojinaya xiriirka labada wadan gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Wafdi uu hoggaaminaayay Raysal wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya Dekeme Mekonnen Hassan oo Shalay Muqdisho u yimid heshiiska ayaa goobjoog ahaa, waxaana soo dhaweyn diiran u sameeyay dhigiisa Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Heshiisyada ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo isugu jiray dhowr qeybood ayaa waxaa ka mid aha heshiiska Iskaashiga Ganacsiga oo ay si gaar ah uga soo shaqeysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, iyadoo ay si wadajir ah heshiiskaas u kala saxiixdeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Xildhibaan Jabril Cabdirashid Xaaji Cabdi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Is dhex galka gobalka ee dowladda Itoobiya.

"Sidoo kale, waxa ay dhinacyadu iska kaashan doonaan samaynta barnaamijyo wadaag ah oo si wada jir ah kor loogu qaadayo halbeega iyo tayada badeecadaha ee laga ganacsan karo, waxaana ay tani muhiim u tahay in si fudud badeecadaha dalka looggu dhoofin karo wadanka Itoobiya" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Heshiiskaan ganacsi oo ay wada saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ansixiyay oo meel mariyay Golaha Wasiiradda Soomaaliya, waxaana la tilmaamay in heshiisyadaan ay kor u qaadi doonaan fursadaha ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal, islamarkaana uu meesha ka saari doono caqabadahii hortaagnaan jiray dhanka ganacsiga ee labada dal.