7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2023
Afhayeenka Waddani: Madaxweynaha waxa laga sugayaa in uu umada u sheego wixii dhacay

Khamiis, September, 7, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in madaxweynaha laga sugayo in uu umada u sharaxo sida uu u dhacay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaadhay dagaalkii 25 August.

Afhayeenka xisbiga Maxamed Faarax Cabdi, oo waraysi siiyay Galaydh Media, ayaa sheegay in bulshadu madaxweyne Biixi ka sugayso faah faahin ku saabsan wixii dhacay iyo dhiirigalin.

"Bulshadu waxay sugaysay madaxweynihii ay dalkan u doorteen in uu ka waramo, xaaladu halkay marayso, waxa u qabsoomay, waxa u qorshaysan, dadka moral kooda in uu kor usoo qaado oo uu dhiirigaliyo" ayuu yidhi afhayeenku.

Waxa uu dhaliilay socod uu madaxweynuhu shalay ku maray magaalada, isaga oo sheegay in socod wax ka badan looga fadhiyo "Madaxweynaha waxa laga sugayay jawaab taa ka wayn, oo qaranku halkuu u socdo iyo wixii dhacay in uu ka waramo".

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay in guddi wasiiro iyo xildhibaano ka kooban loo saaray baadhista jabkii ciidanka millateriga lagaga soo saaray Laascaanood.