7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday deegaanka Nuur dugle

Khamiis, September, 7, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in aroornimadii hore saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle.

Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ku bilaawday qaraxyo, kaasoo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday fariisin ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Nuur Dugle ayaa la soo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo qaatay hal saac oo xiriir ah.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan culus ee ka dhacay deegaanka Nuur Dugle, hayeshee dadka deegaanka waxay sheegeen in weerarkaasi uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac oo aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo goordhaw la hadashay warbaahinta qaranka waxay sheegeen in weerarkaasi ay iska difaaceen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, islamarkaana ay haatan ciidamada wali baacsi kusii hayaan xubnahii Shabaabka ahaa ee weerarka kusoo qaaday.

Weerarkaan saakay ka dhacay Nuur Dugle ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Laso wixii kusoo kordha wararkan.