7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2023
Cali Daahir Ciid: Madaxweyne Qoorqoor iyo Cabdi waayeel waxay ku howlan yihiin fashilinta madaxweyne Xasan Sheikh

Arbaco, September, 6, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qooroor), inuu ku howlan yahay fashilinta dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Alshabaab.  

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo caawa warbaahinta gudaha siiyay wareysi, waxa uu sheegay, wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo uu shaqo joojin uu ku sameeyay, iyo madaxweyne Qoorqoor inay ka midaysan yihiin xagal daacinta dadaalada madaxweyne Xasan Sheikh uu ugu jiro in Shabaabka laga saaro Galmudug.

“Waxaan kuu caddaynayaa Cabdi waayeel shaqo joojintii lagu sameeyay waa dhaqan gashay. Qoorqoor iyo wasiirku waxay isku ajande ka yihiin xagal daacinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo fashilinta madaxweyne Xasan Sheikh, oo daacad ka ah dagaalka Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Cali Daahir Ciid wuxuu sheegay dagaalka Alshabaab in aan laga raadin karin wax siyaasad ah. Wuxuu sheegay in uu u adkaysan waayay sida uu hadalka u dhigay, markii uu arkay in wasiirka arrimaha guduhu faraha kula jiro arrimo kasoo horjeedo dagaalka kooxda Alshabaab.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kusoo beegmay saacado ka hor, markii madaxweyne Qoorqoor uu ka horyimid shaqo joojintii uu madaxweyne ku xigeenka ku sameeyay wasiirka arrimaha gudaha ee Galmudug, Cabdi Waayeel.

Waa markii ugu horraysay oo uu bannaanka usoo baxo khilaaf ka dhaxeeya masuuliyiinta Galmudug, kaddib saddex sano iyo bar oo ay wada shaqaynayeen.

Maalmo ka hor madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ka guuray magaalada Dhuusomareeb oo ahayd taliska laga hagayay howlgallada Shabaab looga xoraynayo Galmudug. Madaxweynaha ayaa u guuray gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay inay jiraan masuuliyiin ku tafri galay awoodda ciidanku lahaa, kuwaas oo uu sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa.