7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta gaaray degmada Aadan Yabaal
 

Arbaco, September, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa Duhurnimadii Maanta gaaray degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ujeedka safarka madaxweynaha uu maanta ku tagay degmada Aadan yabaal ayaa Madaxtooyada Soomaaliya waxay ku sheegtay inuu la xariiro u kuur galida xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku howlan sidii dalka looga xureyn lahaa kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa degmada Aadan yabaal kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona mudada uu joogo Aadan yabaal saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa dadka deegaanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo uu kala hadli doono dardar galinta dagaalka ka dhanka Shabaab.

Mudo bil ka badan ayuu Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaga maqan yahay magaalada Muqdisho, isagoo ku howlan dardar galinta dagaalka Al-shabaab lagu doonayo in dalka looga ciribtiro.