7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2023
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo howgallo ka dhan ah Shabaab kawada Koonfurta Mudug

Arbaco, September, 6, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa howdka koonfurta gobolka Mudug ka raadinaya kooxda Shabaab oo halkaas ku dhuumaalaysanaysa.

Saraakiisha ciidanka oo la hadlay warabahinta ayaa waxay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen dhowr kamid ah Shabaab ku dhuumanayay howdka, kuwaas oo ay tilmaameen inay ciidanku ku sameeyeen go’doomin.

Saraakiisha waxay sheegeen in maleyshiyaad katirsanaa ciidanka sarkaal sare oo dhawaan iskusoo dhiibay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay weli ku sugan gobolka Mudug.

Saraakiishu waxay sheegeen inay isku diyaarinayaan howlgal ballaaran oo Shabaab looga sifaynayo gobolka Mudug.

“Khawaariij way jabtay. Soo inaan dhameystirno diyaar uma tihidiin. Waxaa laga rabaa qof kaste oo annaga naga mid ihi, Qawaariijta la qabandoono waxa nool inuu madaxda kusoo simo. Waxaad la socotaan kuwa meesha ku jira taleefoon la’aan baa haysee mar hore ayay soo fakan lahaayeen,” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka guutada 27aad.

Abaanduulaha guutada 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdullaahi Xuseen Caana Boore ayaa sheegay, Shabaab iyagoo habqan ah inay ku kala firarsan yihiin Koonfurta gobolka Mudug. Wuxuu sheegay inay ku jiraan godad ay kaga gambanayaan weerarada cirka.