7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2023
Kulan is afgarad kusoo dhamaaday oo Maanta Maxaas ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Beesha Xawaadle
 

Arbaco, September, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta heshiis is afgarad ah la gaaray siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle.

Heshiiska dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiinta iyo dhaqanka Beesha Xawaadle ayaa la xariira in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab.

Kulankaan is afgaradka ah oo ay wada gaareen Madaxweynaha iyo beesha Xawaadle waxaa ka wada qeyb galay siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Xawaadle, sida Xildhibaano tirsan Baarlamaanka Fedaraalka iyo masuliyiin ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo ay kala hoggaaminayeen Yuusuf Dabageed iyo Cali Jeyte.

"Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka" ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka maanta heshiiska la qaatay Madaxweynaha dowladda fedaraalka ayaa dhankooda madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo ballan qaaday iney qaadan doonaan doorkooda ku aadan halganka dalka looga xureynayo Ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu u kictami doono degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu u tagayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab.