7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2023
Alshabaab oo soo bandhigtay askari Ugandhays ah oo dalbanaya in dowladdiisu la hadasho Shabaab
 

Arbaco, September, 6, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sii deysay muuqaal ay ku muujinayaan askari katirsan howlgalka ATMIS oo kasoo jeeda dalka Uganda, kaasoo ka codsanaya Madaxweynaha Uganda in laga wada xaajoodo sii deyntiisa.

Kooxda Alshabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkii bishii may ee sanadkan ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada hoose. Weerarkaas oo khasaare ba'an lagu gaarsiiyay ciidanka.

Askarigan oo lagu magacaabo Pow Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda kusoo biiray sanadkii 1997. Bishii Abril ee sanadkan 2023 ayuu ka howlgalay xerada ciidanka ee kutaala Buulo Mareer, ka hor inta aan 26-kii may la weerarin.

“Farriintayda ku socota Dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay. Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno inay dadaal ku bixiyaan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn,” ayuu yiri askarigan.

Askarigan ayaa ka codsaday dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo. Wuxuu sheegay kaligiis inuusan ahayn maxbuus, balse ay jiraan maxaabiis oo katirsan ciidanka Uganda oo gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.