7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2023
Xukuumada Somaliland oo cafis u fidisay jabhadii buurta Gacan-libaax

Talaado, September, 5, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda u cafisay jabhadii dhawaan dagtay buurta Gacan-libaax.

Cafiska ayaa yimid kadib markii odayaashii dhaqanka ee xalka ka gaadhay khilaafkii u dhexeeyay xukuumada iyo macaaradku ay soo jeediyeen in si buuxda loo cafiyo jabhada.

"Waxa ay wasaarada arrimaha guduhu soo saartay qoraalkan oo ay ku caddaynayso in aan dhallinyaradii hubka la fuushay buurta Gacan-libaax xukuumadu wax iliyo wax ay u raacaysa jirin, halkaana arrinkaa lagu soo xidhay" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland.

Beesha ay kasoo jeedaan dhallinyarada buurta hubka la gashay ayaa maanta odayaal u dirtay buurta si ay ula soo hadlaan, waxana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaar kamid ahi ay aqbaleen heshiiska, halka qaar kale sheegeen in anay wali hubka dhigin.

Beesha ay kasoo jeedaan ayaa sidookale lagu xukumay in ay bixiso qoon iyo dhiig wixii ay gaysteen jabhadu, oo ay ugu horeeyaan in ka badan 10 askari oo ay weerar ku dileen, iyo in ay hubka iyo gaadiidka xukuumada ku wareejiyaan.