7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2023
Wararkii ugu dambeeyay kulamada Maxaas ku dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh, Cali Jeyte iyo Beesha Xawaadle
 

Talaado, September, 5, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa baxaya kulamo is dabajoog ah oo saacadahii lasoo dhaafay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Xawaadle.

Kulamada ayaa la sheegay in dhowr jeer lagu kala kacay, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in markii dambe madaxweynaha iyo beesha tabashada qabtay ee Xawaadle ay isku afgarteen qodobada qaar, halka kuwa kalana ay dhiman yihiin is fahamkooda.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo xubnood iney madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay la yeesheen kulamo is dabajoog ah oo qiyaastii ilaa afar kulan gaarayay, xubnahaas oo isugu jiray siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo oday dhaqameedyo.

Kulamaadaas ayaa madaxweynaha waxay ku weydiisteen beesha tabashada qabta ee in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul goboleed gaar ah, hayeeshee Xildhibaanka ma cadeyn in  qodobkaasi lagu heshiiyay iyo in kale, wuxuuna sharaxay habka uu maamul gaar ah ku noqon karo Hiiraan.

"Gobolka Hiiraan bedka uu ku fadhiyo iyo dadka ku nool wuu ka weyn yahay kana dad badan yahay maamul goboleedyo hadda jira, tan labaadna in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu gobolka laba gobol ka dhigay xilligii uu madaxweynaha ahaa, waxaana gobolka kale la yiraahdaa Shabeellaha sare" ayuu yuri Xildhibaan Ciid.

Wuxuu sidoo kale uu sheegay Xildhibaanka in qodobada ay ku heshiiyeen  beesha Xawaadle iyo madaxweynaha iney ka mid tahay inuu aqoonsado madaxweynaha maamulka Hiiraan State ee uu madaxweynaha ka yahay Cali Jeyte.

“Qodobka hore waa in aysan beesha aqoonsanayn, diyaarna u ahayn in ay la shaqayso maamulka Hirshabeelle, kan labaadna waa in uu madaxweynuhu aqoonsado maamulka Hiiraan state” ayuu yiri Xildhibaan Ciid oo kulamadaas ka qayb ka ahaa.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in kulamadii dhexmaray hoggaamiye Cali Jeyte iyo madaxweyne Xasan Sheekh in sidoo kale qaarkood ay kusoo dhamadeen is afgarad oo ay ku heshiyeen in Cali Jeyte uu cidna hoos tageyn oo uu u madaxbanaan yahay wixii khuseeya howlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.

“Waxaa la isku afgartay in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaabna inuu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha dowladda Fedaraalka” ayuu yiri Xildhibaanka Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin Ciid.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdlaahi Ciid wuxu tilmaamay ineysan haatan jirin wax quus ah oo ka dhex jira beesha Xawaadle iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Maxaas, islamarkaana ay wali dhiman yihiin kulamo kale oo uu sheegay iney kuso dhamaan doonaan jawi is afgarad.