7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax Gaari oo ka dhacay degmada Maxaas
 

Talaado, September, 5, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii Maanta ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasoo si weyn jugtiisa looga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Maxaas.

Qaraxaan oo ka dhacay afaafka hore ee laga soo galo degmada Maxaas ayaa la sheegay inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ay ka hortageen ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay gaariga la qarxiyay, marka laga reebo wadahii gaariga la qarxiyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa warbaahinta waxay u sheegeen iney kasii war hayeen xogta gaarigan ku rarna waxyaabaha qarxa, taasina ay sahashay in la fashiliyo qaraxa.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in xiliga uu qaraxa dhacay uu madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka hor jeedinayay ciidamo badan oo loo diyaariyay gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab oo ku sugan Maxaas.

Qaraxaan Maanta ka dhacay degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maakintii labaad uu degmada Maxaas ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi u tagay in laga hoggaamiyo howlgalada lagu ciribtiraayo kooxda Shabaab.