7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2023
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Talaado, September, 5, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Haruuse), ayaa xafiiskiisa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Marwo Karin Johansson oo ah Safiirka Midowga Yurub u soo magacawday Soomaaliya.

Qoraal uu wasiirku kusoo qoray bartiisa twitter-ka ayaa u dhignaa sidan, “Waxaan nuqullo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Marwo Karin Johansson, Safiirka cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa Amb. Johansson in aan balaadhino iskaashiga istiraatijiyadeed ee amniga qaranka, soo kabashada dhaqaalaha, dhismaha hay’adaha iyo adkeysiga bini’aadantinimada.”

Ms. Johansson waxa ay beddeshay Ambassador Tiina Intelmann, oo soo gebogabaysay muddo xileedkeedii labada sano ahaa bishii Agoosto.

Haweeneyday ayaa waxaa la magacaabay bishii Abriil ee sanadkan, Ms. Johansson waxa ay horey ugusoo shaqaysay ku-xigeenka Madaxa Adeegga Hawlaha Dibadda ee Yurub (EEAS).

Ms. Johansson ayaa lagu wadaa inay warqadaheeda aqoonsiga ee rasmiga ah u gudbiso madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminaya wejigii hore ee duullaanka milateri ee Al-Shabaab looga xoreynayo deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Magacaabista safiirka cusub ayaa ku soo beegantay marxalad xasaasi ah oo Dowladda Soomaaliya ay ku jirto xoojinta amniga qaranka, dardargelinta soo kabashada dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Wadashaqeynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya oo la xoojiyay ayaa wax weyn ka tari doonta caqabadahan adag.