7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2023
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ciidanka Somaliland dib u qabsan doono Laascaanood
 

Isniin, September, 4, 2023 (HOL) -  Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ku sugan taliska Oog ee ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay dib u qabsan doonto Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in jabkii ciidanka soo gaadhay uu ahaa qadar, isla markaana uu ku kalsoonyahay in ciidanku uu guulaysan doono talaabada xigta.

"Maanta ta dhacday waa qadar Ilahay, Nabi Maxamed waad ogtihiinoo Uxud waa maalintii 70ka asxaabi laga dilay isagoo Badar guulaystay, markaa waxan hubaa in aynu guulaysan doono, inagu dulmi samayn mayno lakiin waxan xaq u leenahay in aynu xuduudeeda sugno" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay yihiin reer Somaliland, lakiin uu shisheeye kusoo duulay sida uu hadalka u dhigay, isaga oo xusay in jabkii ciidanka soo gaadhay ay baraarujisay shacabka Somaliland.

Waxa uu ku dooday in xuduuda Somaliland ay ka mid tahay xuduudihii Afrika ee isticmaarku sameeyay 1885, isla markaana anay suuragal ahayn in la badalo, garaadada SSC ayuu sidookale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Somaliland wax ula dhisan lahaayeen.

Ciidamadii Somaliland ee dhawaan laga soo saaray saldhigyadoodii magaalada Laascaanood, kadib jab kasoo gaadhay dagaal dhexmaray ciidamada SSC Khaatumo ayaa hada dib isugu urursaday taliska Oog ee gobolka Sool.