7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2023
Howlgalo ka dhacay gobolka Galgaduud oo lagu dilay 43 ka mid ah kooxda Al-shabaab
 

Isniin, September, 4, 2023 (HOL) - Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada Xiin tubaal iyo Ceel cali weyd oo ku yaala Koonfur Bari ee gobolka Galgaduud ku dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgaladaasi ku dileen 43 xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay saddex gaari oo ay lahaayeen kooxda.

"Khawaarijta halkaas lagu laayay waxay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta kasoo baxay.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in deegaano ku yaala galbeed gobolka Galguduud ciidanka dowladda maanta ka sameeyeen hawlgal saf balaaran ah oo kooxda Shabaab looga sifeeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale waxaa Warsaxafadeedka lagu sheegay in ciidamada dowladda ay maanta ka hortageen weerar kooxda Shabaab ku qaaday deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaha dhexe, islamarkaana kooxdii weerarkaasi soo qaaday jab lagu gaarsiiyay.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta oo faahfaahsan:-