7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2023
Ottawa: Khasaare dhimasho & dhaawac oo ka dhashay toogasho ka dhacday goob xaflad aroos ay ka socotay

Isniin, September, 4, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Ottawa ee Caasimadda dalka Canada ayaa sheegaya in weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ay koox hubeysan ku qaadeen hool ku yaala Koonfurta magaaladaas oo xaflad aroos ah ku dhiganayeen lamaane Soomaaliyeed.

Weerarkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 2 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo kale, hayeeshee wali lama garan heybta kooxda hubeysan ee rasaasta mar qura ku furtay dadkii ku sugnaa hoolka xaflada arooska ah ay ka dhaceysay.

Labada ruux ee weerarkaasi ku dhintay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Saciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi Daahir oo 29 jir ahaa, waxaana xusid mudan in goobtii farxada taalay ay mar qura isku badeshay murugo iyo meel dhiig badan dureero.

Ciidamada Booliiska magaalada Ottawa ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan weerarkan khasaaraha dhaliyay, iyagoona ka codsaday dadkii xaflada joogay ee ka bad baaday weerarka iney usoo gudbiyaan macluumaadka dadka weerarka geestay.

Dhacdadaan ayaa ah mid si weyn looga hadal haayo magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada, kadib markii goob ay farxad iyo reyn reyn taalay mar qura isku badashay goobo murug badan.