7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Maxaas
 

Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal gabal dhacii maanta ku dhexmaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ciidamada dowlada, gaar ahaan guutada Cali Bin Abii Dhaalib ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askari ka tirsan ciidanka Cali Binu Abii Dhaalib uu si bareer ah u dilay mid ka mid ah ciidanka dadka deegaanka, waxaana dilkaasi xigay dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac ka dhex qarxay.

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijiyay in dagaalka labada dhinac ay ku dhinteen ilaa sadax ruux oo dhinacyada dagaalamay ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Caawa xaaladu tahay mid degan oo lagu guuleystay in  si deg deg ah loo joojiyo dagaalka dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda, gaar ahaan guutada Cali Bin Abii Dhaalib.

Joojinta dagaalka ayaa waxaa kaalin sare ka qaatay Odoyaasha dhaqanka degmada Maxaas, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.