7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Xeer ilaaliyihii guud ee Jubbaland oo Shaqo joojin lagu sameeyay

Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shaqo joojin ku sameeyey xeer ilaaliyihii guud ee Jubbaland, Maxamed Sheikh Cusmaan, kaddib markii lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo ku tagrifal awoodeed.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in dhammaan laga joojiyay masuuliyaddii uu hayay, lagana qaaday xasaanadii iyo awooddii uu lahaa ilaaliyaha guud.

Shaqo joojintiisa ayaa kusoo beegantay markii uu xeer ilaaliyuhu bartiisa Facebook kusoo qoray inuu iska casilay xilkiisa, mana sheegin sababta.

“Waxaan iska casilay laga bilaabo maanta xilkiii aan ka hayay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ahaa Xeer-iaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Waxaan Umahadcelinayaa Madaxweyne Ahmed Maxamed Islaam oo ii magacaabay Xilaka Iyo Intii ila soo shaqeysay intii aan hayay xilkaas,” ayuu ku yiri qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.