7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xeerka doorashooyinka isasaarka ah
 

Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod caqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka asa saar ka ah, ee madaxtooyada iyo ururada.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo kamid ah guddi uu goluhu u saaray wax ka badalka xeerka doorashooyinka, ayaa golaha u sharaxay qodobada wax laga badalay, kahor intaan si buuxda loo ansixin.

"Waxa aanu wax ka badal ku samaynay xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangalinta codbixiyayaasha qaranka, markii hore wuxuu ka koobnaa 154 qodob, waxaanu kusoo kordhinay 13 qodob oo cusub" ayuu yidhi Xildhibaan Qodax.

Iyada oo ay tahay markii kowaad ee la sameeyo xeer ogolaanaya doorashada madaxtooyada iyo ururada, ayaa waxa lagu soo kordhiyay qodob sharaxaya qaabka loo qabanayo doorashooyinka isasaarka ah iyada oo uu xeerkani madaxbanaani iyo awoodo dheeri ah siinayo guddida doorashooyinka.

Sidookale, waxa uu goluhu kaabis ku sameeyay 35 qodob oo kamid ah Xeer 91 ka doorashooyinka ee hore u jiray, iyada oo xogo dheeraad ah lagu daray si loo waafajiyo nidaamka cusub ee doorashooyinka.

Xeerkan ayaa ka dhashay soo jeedin ay sameeyeen qaar kamid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland, xeerka ayaa dhaqangal noqonaya marka ay golaha guurtidu ogolaadaan, madaxweynuhuna saxeexo.