7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Golaha Wakiilada Somaliland oo ka jawaabay tabashadii xildhibaanada reer Awdal
 

Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland oo ka jawaabaya tabasho ay soo jeediyeen qaar kamid ah xildhibaannada gobolka Awdal, ayaa ku baaqay in dib loo eego dastuurka, saami qaybsiga, iyo xarumaha codbixinta gobolka.

Golaha ayaa cod caqlabiyad ah ku ansixiyay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka saami qaybsiga ee bulshada, gaar ahaan saamiga ay reer Awdal ku leeyihiin kuraasida golaha fulinta iyo garsoorka, iyaga oo madaxweynaha usoo jeediyay in uu dib u eegis iyo sixid ku sameeyo.

Golaha ayaa soo jeediyay in sidookale dib loo eego tirada goobaha codbixinta, ee gobolka Awdal isla markaana ay guddida doorashooyinku ku kordhiso tirada dhiman, si lamid ah sidii gobolada kale loogu kordhiyay.

Ugu danbayn, golaha ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Somaliland, oo xildhibaannada Awdal ay codsadeen in la furo, si bulshadu u hesho sinaan, cadaalad iyo usu-niyadsamaan, ayaa lagu yidhi warbixin golaha kasoo baxday.

Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa dhawaan codsaday in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana la saxo hanaanka saami qaybsiga, lana kordhiyo goobaha codbixinta gobolka.