7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Jigjiga : Jeel Ogaden oo loo aqoonsaday inuu yahay goobtii tacaddiyadii ugu badnaa ay ka dhaceen


Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Komishinka Baadhista Tacadiyadii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida oo booqday Jeel Ogaden oo ahaa Xabsi weyn oo ku yaalay magaalada Jigjiga, ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii kala duwanaa ee Jeelkaas dadka loogu gaystay, isla markaana Jeelkan u aqoonsaday inuu yahay halkii ugu waynayd ee ay ka dhaceen tacaddiyadii hadda ka hor degaanka ka dhacay.

Haddaba Foosiya Cabdiqadir oo ah Ku xigeenka Madaxa Komishinka Tacaddiyadii degaanka ka dhacay oo War saxaafadeed ku qabatay gudaha Jeel Ogaden, ayaa sheegtay in iyadoo degaanka Soomaalida ay meelo badan ka dhaceen xad gudubyo iyo tacaddiyo kala duwan in haddana Jeel Ogaden loo aqoonsado inuu yahay goobtii ay ka dhaceen tacaddiyadii ugu badnaa ee laga gaysto degaanka Soomaalida.

" Komishinku wuxuu soo jeedinayaa in Jeel Ogaden loo aqoonsado goobtii ugu waynayd ee ay ka dhacaan tacaddiyo loogaysto shacabka degaanka Soomaalida, In Jeel Ogaden laga dhigo Matxaf lagu xasuusto dhibkii loogaystay shacabka oo aan loo ilaawin, In isla Jeel Ogaden qayb kamid ah laga dhigo goob lagu daaweeyo dadkii dhibku kasoo gaaray ama lagu soo dhibaateeyay gudaha Jeel Ogaden ee dhanka dhimirka wax kasoo gaareen " ayay tiri Foosiya Cabdiqadir oo ah Ku xigeenka Madaxa Komishinka Tacaddiyadii degaanka Soomaalida.

Jeel Ogaden ayaa ahaa xabsi weyn oo ku yaal magaalada Jigjiga kaas oo dhibaatooyin badan loogu gaystay dad badan oo u dhashay degaanka Soomaalida, kuwaas oo qayb kamid ah naftooda ku waayay sidii loogu ciqaabayay gudaha xabsigan Jeel Ogaden, iyadoo ugu dambayn xabsigan albaabada loolaabay kaddib markii uu degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya uu ka dhacay isbaddalka sannadkii 2018.

Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa dhawaan magacawday Komishin loo xilsaaray inuu baadi goobo oo soo diiwaan galiyo dhibaatooyinkii iyo tacaddiyadii kala duwanaa ee hadda ka hor ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo wixii intaa ka dambeeyay Komishinku billaabay shaqooyinkiisii oo ay kamid ahayd inay booqdeen goob kamid ah meelihii hadda ka hor dadka lagu soo dhibaateeyay ee lagu magacaabo Jeel Ogaden.