7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Ciidanka Jubbaland oo sheegay iney fashiliyeen qarax lagu aasay degmada Dhoobleey

Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka maamulka Jubbaland howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi iney ku  fashiliyeen qarax miino.

Qaraxa miino ay fashiliyeen ciidanka amaanka degmadaas ayaa la sheegay in lagu aasay hareeraha mid ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan degmada Dhooleey ee gobolka Gedo.

Saraakaal ka tirsan ciidanka amniga Jubbaland ayaa sheegay iney u suurta gashay iney la fashiliyaan qarax miino oo uu sheegay in kooxda Al-shabaab ku aaseen wadada dhinaceeda.

“Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Jubbaland.

Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiysay weerarada qaraxyada ee isugu jira miinooyinka ay ku aasaan wadooyinka iyo qaraxyada Ismiidaaminta, kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxdu uga awood badiyeen dagaalka tooska ah.