7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2023
Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo Dacwad Musuq maasuq kusoo oogay masuuliyiin hor leh
 

Axad, September, 3, 2023 (HOL) - Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedo ka dhan ah Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka iyo jinsiyada, xafiiska Hanti dhowrka guud ee qaranka iyo Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.

Saraakiishaan eedeysanayaasha ah ayaa dhamaantood lagu soo oogay dacwado la xariira musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Eedeysanayaasha oo ka kooban ilaa 7 sarkaal oo ka shaqeynaayay xafiisyo kala duwan oo dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in dhamaantood aysan ku sugneyn gudaha dalka.

Saraakiishaan eedeysanayaasha oo  magacyadooda la soo bandhigay ayaa loogu yeeray in Maxkamada gobolka ay ku hor yimaadaan muddo 30 cisho gudaheed ah, si ay isaga difaacaan dambiyada lagu soo eedeeyey.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Maxkamada gobolka Banaadir mudooyinkii dambe ka socday dhageysiga dacwado la xariira Musuq maasuq iyo xatooyo Xoolo dadweyne oo loo haysto masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka oo faahfaahsan:-