7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in ku dhawaad 200 oo xubnood Al-shabaab looga dilay gobolka Mudug
 

Axad, September, 3, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal Miletiri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug in lagu dilay 167 xubnood oo Al-shabaab ah, kuwaas oo ay ku jiraan sadax horjooge, islamarkaana lagu dhaawacay 87 kale oo maleeshiyaad ah.

Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Fedaraalka iyo saaxiibada Caalamka ayaa lala beegsaday oo lagu burburiyay goob la tilmaamay in kooxda ay ku diyaarin jirtay waxyaabaha qarxa, kuna tababari jirtay askarteeda.

"Hawlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah. Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo BG oo ku rarna waxyabaha qarxa, kuwaasi oo la tilmaamay iney sii kordhiyeen khasaaraha gaaray kooxda Shabaab.

"Dawladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab ah oo u afduubnaa kuwaas oo gaaraya shab qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Warkaan kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo goordhaw madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.