7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhaw ka dagay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Axad, September, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka safarka madaxweynaha ee degmada Maxaas ayaa la xariirta sidii u halkaasi uga sii dardar galin lahaa dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee wali haysata qaar ka mid ah degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh" ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Safarka Maanta uu magaalada Maxaas ku tagay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daba socda safar qaatay mudo bil ah oo uu madaxweynaha ku joogay magaalada Dhuusanareeb oo uu ka waday mudadaasi howlahiisa shaqo.

Lama oga mudada ay qaadan doono intuu madaxweynaha joogayo Maxaas sida Dhuusamareeb oo kale inuu joogi doono Maxaas mudo bil ah ama ka yar ama ka badan, waxaasa la filaya in Madaxtooyadu ay shaacin doonto saacadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka falanqeeya arrimaha amniga iyo siyaasada dalka, waxay sheegayaan in madaxweynaha laga dareemayo sida ay uga go’antahay dagaalka ay dowladdiisa kula jirta Al-Shabaab, xili maanta isagoo ku labisan tuutaha ciidanka uu gaaray degmada Maxaas oo ka mid ah furimaha muhiimka u ah dagaalka Al-shabaab lagula jiro.