7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo Dhuusomareeb ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
 

Axad, September, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusomareeb ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Atul Khare, oo booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan duullaanka militari ee ka dhanka ah Alshabaab, dhimista ciidamada ATMIS, iyo taageerada UNSOS ee ATMIS ee Soomaaliya.

War kooban oo la soo dhigay barta X ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Kaaliyaha ay ka wad hadleen arimo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo taageerada Qaramada Midoobay.

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wuxuu taageero saadka siiyaa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale la kulmay madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Souef Mohamed El-Amine

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dhimista ciidamada ATMIS, qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyo sidii ciidamada DFS loogu wareejin lahaa amniga iyo arrimo kale.

Sarkaalka ka socday Qaramada Midoobay ayaa imaatinkiisa yimid, xilli wajiga labaad ee qorshaha dhimista ciidamada ATMIS loo gudbiyay Qaramada Midoobay.