7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka Warbixiyay xaaladda guud ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Axad, September, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo Waraysi siiyay Warbaaginta ayaa waxa uu ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay kamid tahay dhanka Nabadgalyada, Isku dhaca Qabaa'ilka, arrimaha xuduudaha uu degaanku la leeyahay degaannada dalka Itoobiya iyo qodobo kale.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay dhinaca xuduudda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay gobollada Oromiya iyo Canfarta oo xilliyo kala duwan ay isku dhacyo ay jireen balse hadda la xalliyay, dhinaca Canfarta waxa uu Madaxweynuhu sheegay in dad Soomaali ah oo deggan saddexda magaalo ee muranku ka jiray la hoos geeyay maamul ahaan dhanka Canfarta, balse dadkaasi colaaddii halkaasi ka jirtay awgeed ay kasoo barakaceen guryahoodii, dhawaanna lagu soo celin doono waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

" Markii aan xilka qabanayay magaalooyinkaas waxaa gacanta ku haysay oo sharciyad u haysatay maamulka Canfarta, mana jirto dhul Soomaaliyeed oon la wareegay oo maanta ka maqan gacanta Soomaalida, magaalooyinka ku jira gacanta Canfarta waa dhul Soomaali oo Soomaali ayaa degganayd waxaana la hoos geeyay Canfarta, intii aan xilka qabtay waxa is baddalay in dadkii lasoo barakiciyay waana ku jirnaa sidii dadkaasi  loogu celin lahaa goobihii laga soo barakiciyay, oo masiirkooda looga wada hadli lahaa" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe cagjar.

Dhanka Nabadgalyada waxa uu Madaxweynuhu sheegay in degaanka si guud ay Nabadgalyo buuxda uga jirto, isku dhacyada qabaa'ilka iyo dhacdooyinka soo noqnoqdana aan loo odhan karin mabadgalyo kama jirto degaanka, " Nabadgalyada degaanku waa mid buuxda, Colaaddii siyaasaddu way istaagtay, Colaad qabaa'il dhex maraysana maanta ma jirto, waxa jira isku shacyo dad walaalo ah oo wada nool dhex maraya, taasna waa mid la joojin karo", ayuu yiri Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalidu Mustafe Cagjar.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Madaxweynuhu dhanka xuduudda uu degaanku la leeyahay dalalka deriska ah gaar ahaan Soomaalida, waxa uu sheegay in xidhiidh wanaagsan uu ka dhaxeeyo oo dhanka Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo mid Bulsho iyo waliba Iskaashi dhanka howlaha amni ee ladagaallanka Argagaxisada, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Mar uu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka hadlay mowqifka xukuumaddiisa ee dhanka colaadda Laascaanood waxa uu sheegay inaysan shaqo ku lahayn colaadda Laascaanood ka jirta, " Anagu wax lug ah oon ku leenahay colaadda halkaa ka socota ma jirto, billowgeediina lug kumaanan lahayn haddana lug kuma lihin, dana nooma aha inaan lug ku yeelanno," ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Ugu dambayn, Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa xusay in wada shaqayn ay ka dhaxayn doonto cid walba oo gacan kasiisa la dagaallanka Al Shabaab, isagoo sheegay in degaanka aysan maanta ka jirin Al Shabaab ka howlgasha, amniga xuduuduhuna uu yahay mid sugan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.