7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 29, 2023
Xisbiga Waddani oo lagu eedeeyay in uu masuulka ahaa dhibaatooyin soo gaadhay ciidamada Somaliland
 

Jimco, September, 29, 2023 (HOL) - Xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya, ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku eedeeyay in uu ka danbeeyay dhibaatooyin loo gaystay ciidamada Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xibsiga Waddani uu ka danbeeyay shirqoolo lagu waxyeeleeyay ciidamada Somaliland.

"Marka kowaad shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxay ogyihiin oo anay ku kala qaybsanayn wixii soo gaadhay ciidamada qaranka in uu xisbiga Waddani iska lahaa, oo abaabulkeeda iyo hirgalinteeda intaba uu isagu iska lahaa, ayna u saareen jabhad dhibaataysa oo laysa" ayuu yidhi Buuni.

Waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in xisbiga Waddani oo doonaya in uu qabto talada Somaliland uu abaabulo jabhado, isaga oo xisbiga ku eedeeyay in uu ka danbeeyay jabhadii gashay buurta Gacanlibaax ee gobolka Saaxil.

Eedaynta Buuni ayaa ku aadanayd dhacdo lagu dilay in ka badan 10 askari oo ay fulisay Jabhadii Buurta Gacanlibaax, oo uu xisbiga Waddani hore iskaga fogeeyay.