7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 29, 2023
5 qof oo ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Jimco, September, 29, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay, 6 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii uu qarax ismiidaamin ah ka dhacay maqaayad laga shaaho oo lagu magacaabo Bulsho oo kutaal degmada Howlwadaag.

Burbur xooggan ayaa sidoo kale gaaray goobta uu weerarku ka dhacay oo ahayd meel saxmad badan.

War kooban oo kasoo baxay ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay beegsadeen dad shacab ah.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa la sheegay inay ku badan yihiin askarta Dowladda, Balse lama oga xilliga uu weerarku dhacayay inay halkaas ku sugnaayeen askar.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen saraakiil ciidan oo katirsan hay’adaha sirdoonka Soomaaliya.