7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 29, 2023
NISA oo sheegtay inay qabatay shakhsigii Shabaab hubka iyo waxyaabaha qarxa dibbada ugasoo iibin jiray
 

Jimco, September, 29, 2023 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo lagu sheegay inuu yahay shaqsigii ugu muhiimsanaa ee Alshabaab uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, ayaa hay’adda NISA waxay sheegtay inay in muddo ah dabagal ku heysay, waxayna sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay Alshabaab kaga sugan yihiin gudaha dalka.

Warbixinta NISA waxaa lagu sheegay, in Sakariye uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd ee koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Alshabaab laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay'adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hay’addu waxay sheegtay in ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay'adaha Garsoorka dalka.

Maalin ka hor warbaahinta dalka Kenya ayaa qoraysay in ninkaan la weysan yahay oo ay ka welwelsan yihiin qoyskiisa iyo qareenadiisa, kaddib markii bishii abril lagu xiray Kenya.

Lama oga sababta uu ninkan ugasoo baxay gacanta hay’adaha ammaanka dalka Kenya.