7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 29, 2023
Golaha ammaanka oo muddo hal bil ah dib u dhigay dhimista ciidanka ATMIS
 

Jimco, September, 29, 2023 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in muddo hal bil ah dib loo dhigay dhimista 3,000 askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika, iyadoo ay socdaan wada xaajoodyo u dhaxeeya Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa ugu yeeray howgalka ATMIS inuu ku shaqeeyo waajibaadka Midowga Afrika.

Golaha ammaanka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay codsigeeda marka hore kala hadasho Midowga Afrika, iyo in markaas kaddib dib loogu celiyo golaha amaanka soo jeedin la isku raacay.

Dhanka kale, si loo suurtageliyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, Golaha Ammaanka wuxuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ka codsan doonaa in Qaramada Midoobay ay hakiso isbeddellada la qorsheeyay ee lagu sameynayo taageerada ay siiso UNSOS.

Gaar ahaan,  Golaha Ammaanku waxa uu ka codsan doonaa UNSOS in ay sii wadaan taageerada ilaa 17,626 askari oo katirsan howlgalka ATMIS.

Maalmo ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ka codsatay in dib loo dhigo muddo saddex bilood ah wajiga labaad ee dhimista ATMIS.

Sida muuqata golaha ammaanka ayaa diiday in saddex bilood la hakiyo dhimista ATMIS, waxaana loo oggolaaday hal bil, iyadoo sharuud loogasii dhigay in Dowladda codsigaan kala hadasho AU-da.